Vedio:Xildhibaanada K/ galbeed oo meel mariyay Guddiga diyaarinta doorashada Guddoonka Baarlamaanka

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya ayaa maanta cod gacan taag ah ku meel mariyay Guddiga soo diyaarinta doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka & Ku xigeenadiisa.

Guddigan ayaa waxa ay ka kooban yihiin 15 Xubnood oo Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed, waxana ay soo diyaarin doonaan doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka & Ku xigeenkiisa.

Kala Fadhigii 1aad Kulankiisa 2aad ee Xildhibaanada Barlamanka KG ayaa Maanta Lagu Meel mariyey Gudiga Qaban Qaabada Doorashada Gudoomiyaha Barlamanka Faisal Sahal

Posted by KGS TV on Wednesday, March 25, 2020