Vedio: Maxaa kasoo kordhay Doorashada Soomaaliya & Xilliga la qorsheeyey?

Gudida Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa faahfaahiyay jadwalka iyo nooca tababarka ay qaadanayaan Xubnaha Guddiyada doorashooyinka, ka hor inta aysan guda galin howlaha doorashada.

Gudida ayaa sheegtay in 27 bishan Gudiyadda doorashooyinka uu u furmi doono tababar socon doona mudo afar cisho ah,tababarkan ayaa ku saabsan qabsoomida doorshooyinka heer federal iyo heer maamul goboleed, iyadoo lagu diyaarin doono qorshe hawl fulinta doorashooyinka iyo jadwalka doorashada.

Abuukaate Cumar Dhagey oo ka mid ah Xubnaha kooxda Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa faahfaahiyay jadwalka iyo nooca tababarka ay qaadanayaan Xubnaha Guddiyada doorashooyinka, ka hor inta aysan guda galin howlaha doorashada.

Kooxda Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhawaaqay in xubnahah guddiyada doorashooyinku soo xaroodaan ugu dambeyn Khamiista si loogu bilaabo tababar socon doona muddo Toddobaad ah.

Guddoomiyaha Kooxda Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdulkaadir Cilmi Cali.