Ururka AL Shabaab Oo Ka Musaafuriyey Deegaan Ay Maamulaan Cabdi Axmed Abuukar [Sababta]

Ururka Al Shabaab ayaa waxay fagaaro ku yaalla Gobolka Shabellaha Hoose iskugu soo banaan bixiyeen Boqolaal Qof oo deegaanka ah.

Fagaarahaasi waxa uu ku yaallaa Degmada Kunturwaareey waxaana la hor keenay Shacabka nin lagu magacaabo Cabdi Axmed Abuukar oo dhalinyaro ahaa.

Garsoorka Shabaabka u hadlay waxa uu sheegay in Cabdi Abuukar uu ku dhacay Fal Zino ah (Galmo Aan Sharci Aheyn uu la sameeyey Gabar Deegaanka ah).

Waxa Cabdi ay Maxkamada Shabaab ku riday Xukun ah in uu bixiyo Qaalin Geel ah oo Bikrada Gabadhaasi ah,Boqol Karbaash oo lagu tumay dadka hortooda iyo Hal Sano Oo Kunturwaareey Laga Musaafuriyey.

Sidaasi ayaana Loogu xukumay markii la cadeeyey in wax guur ah uusan hore usoo marin Cabdi Axmed Abuukar islamakraana Xoog ama iyadoo aysan Sharci ahaan isku Xalaal aheyn mid ka mid ah Gabdhaha Deegaanka uu ku kufsaday ama kaga Zineystay.

Ma ahan mid ku cusub Deegaanada Ururka AL Shabaab ka taliyaan in Xukuno nuucaan oo kale ah ay ka fuliyaan waxaana la sheegaa in aysan si cadaalad ku jirto Xukunada uridin ayna Xubno Shabaabka ka mid ah mararka qaar Fal Zino ah ku dhacaan balse aan la xukumin.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay