Ugu yaraan 8 qof oo Lagu Dilay Dagaal Dhex Maray Ciidamada iyo ,,,,,,,,,,,,,

Bilayska koonfur-galbeed ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa Jimcihii dilay ugu yaraan sideed ka mid ah xubnaha gooni u goosadka ee koox diimeedka, sida ay xaqiijiyeen ilaha maxaliga ah.

Booliska ayaa rasaas ku furay kooxda Bundu dia Kongo (BDK) kuwaas oo doonayay inay soo qaadaan maydadka xubno iyaga ka mid ah magaalada Kimpese kuwasoo lagu dilay dibad baxa bishii la soo dhaafay, ayuu u sheegay wakaalada wararka ee Reuters Jonas Lukoki, isuduwaha gobolka ee adeega bulshada.

Waxaa jiray 12 dhimasho ah, oo ay ku jiraan saddex carruur ah, “ayuu yiri Lukoki. Mid ka mid ah dadka deegaanka Kimpese ayaa sidoo kale sheegay in booliiska ay dileen ugu yaraan siddeed xubnaha BDK.waxaa uu intaa raaciyay in dibad baxayaasha ay hubaysnayneen markii bilayska ay rasaasta ku fureen.

Afhayeen u hadlay booliska ayaa u sheegay Reuters in dhowr qof la dilay ka dib markii xubnaha BDK ay isku dhaceen booliska magaalada Kimpese laakiin uusan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegay in Madaxweyne Joseph Kabila oo diiday inuu xilka ka dego markii mudadiisa ay dhamaatay bishii December ayaa keentay in si xowli ah ay u bataan hawlaha kooxo badan oo hubeysan, inta badan keentay cawaaqib aad u xun.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay