Tuugo Boorso Dahab Ah Si Xeelad ah Uqaatay iyo Taariikh Aysan Fileyn Oo Qabsatay [AKHRISO]

Booliiska Faransiiska ayaa dib u soo furtay dhammaan dahabkii ay tuugta hubaysan ka xadeen dukaanka ku yaalla huteelka Ritz ee magaalada Paris, sida ay ilo sheegeen

Dahabka qiimahiisa waxaa lagu qiyaasay 5.4 milyan oo doolar.

Shan nin oo hubaysan oo wata faasas ayaa jajabiyay daaqadaha dukaanka oo ku yaalla huteelka gudahiisa sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Saddex nin ayaa la qabtay, sida ay booliisku sheegeen balse labadii kale ayaa wali baxsad ah.

Saddexda la qabtay ayay booliisku ku hareereeyeen iyaga oo wali ku jira gudaha huteelka, balse labo bannaanka joogtay ayaa gaari ku baxsaday.

“Waxaan xaqiijin karaa in la helay dhammaan dahabkii la xaday isaga oo ku jira boorso ay gacanta ku dhigeen booliisku,” sida ay wakaaladda wararka ee Reuters ka soo xigatay qof ka agdhaw baaritaanka lagu hayo dhacdadan.

Huteelkan ay dadka ladan dagaan ee Riz ayaa ku yaalla Place Vendôme, halkaas oo ah goob taariikhi ah iyo halkii ay ka alkumantay magaalada. Waxaana ku dhagan wasaaradda caddaaladda.

Huteelka waxaa ku yaalla shan dukaan iyo goobo kaleeto oo lagu iibiyo dahabka, saacadaha iyo dharka qaaiga ah.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay