TOPnews+Sir Culus:-Xildhibaan Banaanka Soo Dhigay Sababihii Ka Dambeeyay Guuldarooyinkii Soo Gaaray Xasan Shiikh+Dhageyso

Ex Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil oo kamid ahaa Baarlamankii 9-aad ee Soomaliya soo mara ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo aqalka Sare inaysan caqabad ku noqon Dowladda Madaxweyne Farmaajo, sida horey u dhici jirtay.

C/raxmaan Xoosh Jibriil oo la hadlay Warbaahinta ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in baarlmaankii 9-aad uu isaga kamid ahaa ay caqabado ku noqon jireen Madaxweynaha Soomaliya islamarkaana taasi ay keeni jirtay in waxyaabo badan aysan u suurta galin Madaxweynaha xiligaan dalka ka talinayay.

“Baarlamaanka 9-aad waxaa ku jiray dad aad u wanaagsan,waxaa uu lahaa Guddoon qiimo badan oo aqlaaq oo ah Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari balse caqabad ugu weyn ee xiligas jirtay ayaa ah in Xildhibaanada ay la kala jireen ururo dalka ka dhisan oo madaxda dalka ay hogaaminaysay”, ayuu yiri Ex Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil.

Sidoo kale Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa u rajeeyay Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya Maxamed C/laahi Farmaajo in uu ka gudbo caqabada kaga imaan karta Magaabista Raisulwasaaraha Cusub ee Soomaliya oo meel marintiisa laga doonayo Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaliya.

 

 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)