Topnews+Sir Culus:-beesha Mudulooda oo isku raacday Hal Arin oo Dhibaato ku ah Xasan Shiikh Maxamuud

Kulan xasaasi ahaa oo ay isugu imaadeen siyaasiyiin, Xildhibaano iyo odayaal ka tirsanaa Beesha Mudulood ayaa ka dhacay Hotel City Place ee Magaalada Muqdisho. Kulankaas ayaa ahaa kulan ay beesha uga hadleysay cidda mudan in la siiyo Ra’isulwasaaraha cusub ee Soomaaliya oo uu dhawaan soo magacaabi doono Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Kulanka wuxuu ahaa mid ay albaabada u xirnaayeen mana loo ogoleyn saxaafadda balse qaar kamid ah odayaashii ka qeybgalay shirkaas oo la hadlay caasimadda Online ayaa xaqiijiyey inay kulankaas Beesha Mudulood hal go’aan ku qaateen.

Go’aanka ay Mudulood qaadatay ayaa lagu sheegay inuu yahay inaysan la shaqeyn madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Farmaajo Haddii uusan Xilka Ra’isulwasaare u magacaabin shaqsi kasoo jeedo Beesha Mudulood.

Waxaa jiro Musharixiin badan oo kasoo jeedo beeshaan isla markaasna diyaar u ah inay qabtaan Jagadaan waxaana kamid ah liiskaas -Jabriil Ibrahim Abdulle (Musharax madaxweyne 2017), C/qaadir Cosoble (Musharax madaxweyne 2012 iyo 2017).

C/raxmaan Baadiyoow (Musharax madaxweyne 2012 ). Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa waxaa hor yaalo siyaasad aad u kulul oo looga fadhiyo cidda uu Ra’isulwasaare ka dhigi doono iyadoo ay dhammaan dadka soomaaliyeed indhaha ku hayaan magacaabistaas.

Madaxweynaha ayaa waxaa culeys weyn saarayo Beesha Hawiye oo qolo kasta ay danaheeda wadato waxaana laga war sugayaa go’aanka rasmiga ah ee uu qaato madaxweynaha.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)