Topnews+Bahdilaad:-“Kenya oo La Ogaaday Biyo Aysan Lahayn In ay Hunguriynayso”.

Admiral Faarax Cumar Axmed ( Faarax Qare) oo ka mid ah Khubaro xagga Badda ah oo Dowladda Soomaaliya ay u xil saartay Muranka Kiiska Badda ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo u warramayay warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Badda la isku heysto ay leedahay Soomaaliya islamarkaana Kenya ay hunguriyeyneyso taas oo loo baahan yahay in laga hortago sida uu hadalka u dhigay.

“ Umadda Soomaaliyeed marna mar dhinac mari doonaan Xaqooda , weyna soo dhacsan doonaan” ayuu yiri Faarax Qare.

Sidoo kale Admiral Faarax Cumar Axmed ( Faarax Qare) ayaa daboolka ka qaaday in dowladda Soomaaliya wixii haatan ka dambeeyo ay u diyaar garoobeyso dacwadda ka dhanka  ah Muranka badda ee kala dhexeeyo Kenya maadaama dhawaan Maxkamadda Cadaaladda ee ICJ aqbashay Dalabka Dowladda  Soomaaliya.

Si kastaba Soomaaliya ayaa u xusul duubeysa in meesha ay ka saarto muranka la geliyay Biyaheeda kadib markii Kenya ay sheegatay Biyahaasi Soomaaliyeed.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)