TopNews:-Xasan Shiikh oo Kulan Xasaasi ah Haatan La Leh Hogaamiye Go’aamin Kara Guushiisa

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho kasoo degay Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, kadib markii uu diyaarad khaasa u diray Musharax Xasan Sheekh Maxamuud.

Shariif Xasan ayaa goortii uu kasoo degay Garoonka loo galbiyay Madaxtooyada Somalia, waxa uuna halkaasi uu kulan khaasa kula qaatay Musharax Xasan Sheekh Maxamuud. Shariif Xasan iyo Xasan Sheekh oo ilaa iyo hadda uu socdo kulankooda ayaa waxaa lagu wadaa in kulankaasi kadib ay kulan kale wada qaatan Xildhibaanada laga soo doortay Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan ayaa khadka Teleefanka ku ballamiyay Xildhibaanada Koonfur Galbeed, kadib markii si guud uu Xasan Sheekh u casuumay Xildhibaanada taageersan. Waxaa goordhow lagu wadaa in Madaxtooyada Somalia uu ka dhaco kulan gaara oo u dhexeyn doona Xasan Sheekh, Shariif Xasan iyo Xildhibaanada BFS garabka laga soo doortay Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan ayaa Xildhibaanada ku amri doona in codadka ay siiyaan Xasan Sheekh Maxamuud, maadaama ay labaduba ku heeshiiyen in laga shaqeeyo guusha. Lama oga waxa ay sida gaarka ah uga wadahadli doonaan Xasan Sheekh, Shariif Xasan iyo Xildhibaanada markii laga soo tago Doorashada berri dhaceysa.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)