Home WARARKA Topnews:-Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Xilka Laga Qaadayo Ka Hor Doorashada+Mas’uulka Loo Magacaabayo

Topnews:-Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Xilka Laga Qaadayo Ka Hor Doorashada+Mas’uulka Loo Magacaabayo

8
0

Xubno Muhim ah oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in taliyaha ciidanka difaaca Puntland General Siciid Maxamed Xirsi loo wado inuu noqdo taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.

General Siciid Dheere ayaa dhawaanahaan safar tagay magaalada Muqdisho isagoo kulamo la qaatay diblumasaasiyiinta caalamka, waxaana lagu ammaanay qibradiisa hogaaminta ciidanka iyo udub dhexaadka uu u yahay amniga Puntland.

Wararka aan helayno waxay sheegaayaan in beesha caalamka doonayso in Siciid Dheere uu qeyb ka noqdo dowladda cusub ee soo socota, gaar ahaan inuu noqdo taliyaha ugu sareeya ciidanka milatariga Soomaaliya. (Xooga dalka).

Beesha caalamka ayaa u aragta Siciid Dheere inuu door lixaad leh ka qaadan karo sidii Alshabaab looga saari lahaa dalka iyo dib u dhiska ciidanka qaranka Soomaaliyeed inuu kaalin weyn ka qaato, kadib markii ay meesha ay ka baxeen saraakiil uu kamid ahaa General Dhago badan oo ku baxay gacanta Alshabab.

Lama oga inuu Siciid Dheera aqbalay arrintaan.

General Siciid Dheere ayaa xilligii dowladdii Cabdullaahi Yuusuf soo noqday taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya, inkastoo markii dambe uu sababo caafimaad uga tagay.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here