Topnews:-Qaramada Midoobay oo War kasoo saaray Doorashada Farmaajo (Akhri Qodobo laga dalbaday)

Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa bayaan uu soo saaray kusoo dhoweeyay geedi socodkii doorashada Soomaaliya ee la soo gabagabeeyay iyo doorashadii madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Golaha ammaanka wuxuu bogaadiyay doorkii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo sidii degdega ahayd ee uu xilka uga degay, waxaana sidoo kale ay soo dhoweeyeen doorashadii Soomaaliya iyo kaalinta ay haweenku ku yeesheen.

Golaha ammaanka wuxuu xoojiyay sida loogu baahan yahay midnimo lagu wajaho qorshe siyaasadeed keena in la gaaro nidaam doorasho oo hal qof iyo hal cod ah, kana dhaca Soomaaliya oo dhan.

Golaha ammaanka Q/Midoobay wuxuu hoosta ka xariiqay sida loogu baahan yahay in waqtigii loogu talogalay si hufan loo soo magacaabo Ra’iisal wasaare iyo gole wasaare iyadoo lala tashanayo Baarlamaanka.

Golaha Ammaanka wuxuu kaloo ugu baaqay Baarlamaanka iyo hogaamiyeyaasha maamul goboleedyada inay si buuxda ula shaqeeyaan dowladda federaalka si hore loogu socdo ka jawaabidda baahiyaha degdegga ah iyadoon dib loo dhicin.

“Golaha ammaanka wuxuu ugu baaqayaa madaxweyne Farmaajo iyo dowladiisa inay dareenkooda u jeediyeen xaaladda degdegga ah ee abaarta, si wax looga qabto saameynta ay yeelan karto” ayaa lagu yiri qoraalka oo dalalka deeqda bixiya ugu baaqay inay kordhiyaan taageero ay siinayaan Soomaaliya.

Waxaa kaloo golaha ammaanka ku baaqay in dowladda Soomaaliya ay ku dhaqaaqo xoojinta ciidamadeeda si ay arrimaha ammaanka ugala wareegaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Qoraalka golaha ammaanka ayaa madaxweyne Farmaajo loogu sheegay arrimaha ay tahay inuu wax ka qabto sida dib u eegista dastuurka, xoojinta ciidamada, hagaajinta nidaamka maaliyadda dalka iyo dib u heshiisiin dhab ah.

Golaha Ammaanka waxay Madaxweynaha cusub xusuusiyeen in Soomaaliya looga baahan yahay doorasho xor ah inay ka dhacdo muddo 4 sano gudahood ah iyadoo dadka Soomaaliyeed aysan dareemeynin cadaadis, awood sheegasho, musuqmaasuq iyo cabsi.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)