TOPNEWS:-Musharaxa uu Taageersan Yahay Madaxweynaha Jubba-land oo La Ogaaday

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa si hoose ugu sheegay xildhibaannada Jubbaland inuu isaga taageersan yahay musharrax Maxamed C/laahi Farmaajo kadib qiimeyn uu sameeyey.

Waxa uu sheegay in xildhibaannada haddii ay codkooda bixinayaan kaliya ay siiyaan Labo nin, marka hore Farmaajo, haddii ay dhacdo inuusan soo bixinna ay siiyaan Sheekh Shariif oo Axmed Madoobe saaxiibo dhow yihiin.

Madoobe ayaa tilmaamay in Farmaajo shacabka ay jecelyihiin, balse dadku aaney iyagu waxbo dooran karin, sidaasi darteedna ay muhiim tahay in la helo wax shacabka lagu matali karo.

Doorashada dalka ka dhici doonta maalinta berri ah ayuu ku sheegay in shacabka wax ay ku farxaan ka maqli doonaan, islamarkaana doorashada ay noqon doonto mid si hufan u dhacda.

Axmed Madoobe ayaa kamid ah hoggaamiyeyaasha aan la gamban taageeradooda, waxaana markii hore la sheegayey inuu taageerayo Cumar C/rashiid hase ahaatee xaaladda ayaa lama filaan isku bedashay.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)