TopNews:-Mooshin Ka Dhan ah Halka Lagu Qabanayo Doorashada Madaxweynaha oo La Diyaarinayo

Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa haatan  bilaabay diyaarinta Mooshin ka dhan ah  in Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya lagu qabto xarunta Afasiyooni ee degmada ee Gobolka Banaadir.

Mooshinka   oo haatan la diyaarinaayo waxaa hor boodaya Musharixiin ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaliya iyo Xildhibaano waxayna dhamaan ku doodayaan In doorashada Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya lagu qabto Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta xalane oo fariisin u ah Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Sidoo kale Musharixiinta ka Tirsan Baarlamaanka Soomaliya iyo Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya ayaa ku doodaya in sababaha loo doonayo in lagu qabto Xarunta Afasiyooni  ay tahay in la musuq-maasuqo doorashada Madaxweynaha Soomaliya.

Waxa ay sidoo kale sheegeen Xubnaha mooshinka wada in Taliyayaal ka tirsan Ciidamada dowladda lagu amray in ay carqaladeeyaan Doorashada Madaxweynaha oo ka dhacaysa sida 15-musharax iyo Guddiga qaban-qaabada doorashda ay ku heshiiyeen in lagu qabto xarunta Afasiyooni.

Guddiga qaban-qaabada doorashda Madaxweynaha ayay ugu baaqeen in uu aqbalay mooshinka laga keenay halka lagu qabanaayo doorashada.

Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in la isku afgartay In lagu qabto Doorashada madaxweynaha Soomaliya dhismo ku yaalla inta u dhaxeysa Garoonka Diyaaradaha iyo xarunta Afisyooni ee Muqdisho, sidaasna ay ku qanacsan yihiin musharixiinta dalbaday in doorashada Madaxweynaha laga wareejiyo xarunta iskuul buluusiya.

Xubnaha Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaliya ee dalbaday in doorashada laga badalo xarunta loogu talagalay ayaa tilmaamay In  xarunta Akademiyada Booliiska Soomaaliyeed ee Iskool Buluusiya ay tahay mid aan la isku aamini karin amaankeeda islamarkaana xiligaan ay hobaan tahay in doorashada madaxweynaha Soomaliya lagu qabto meel lagu kasoon karo.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)