TOP+NEWS:- Madaxweynaha Puntland oo amaro deg deg ah bixiyay

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali maxamed Cali Gaas oo kulan la qaatay Xubnaha Golaha Wasiirada maamulkaas ayaa si deg deg ah u amray in la bilaabo howlgal Al-shabaab iyo dagaalyahanada Daacish loogu saarayo Gobolka Bari.

Madaxweyne Gaas ayaa ku amaanay Ciidamada amaanka Maamulka Puntland sida ay waqti walba dagaal ugula jiraan Xarakada Al-shabaab iyo dagaalyahanada Ururka Daacish, wuxuu saraakiisha amaanka ku amray in lasii laba jibaaro dagaalka haatan socda.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Al-shabaab iyo Daacish ay Maskaxda Puntland iyo Shacabkeeda  ku reebeen wax aan marnaba la suulin Karin oo ah amni daro in la dilo dadka indhaha u ah shacabka.

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in la sameyn doono xubno guddi ah oo ka shaqeeya amniga Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka bari,wuxuu shacabka reer Puntland ugu baaqay in ay la shaqeyaan Laamaha amaanka


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)