TOPNEWS:-Maamul Goboleed Kasoo Horjeystay Doorashada Madaxweynaha

Maamulka Gobolada Dhexe ee ururka Ahlu sunna ayaa walaac ka muujiyay Doorashada Madaxweynaha ee dhaceysa maalinta Arabacada ah ee soo socota.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlu sunna Cali Baashi Aadan Faarax oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay aad uga walaacsan yihiin, qaabka ay u dhici doonto Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Cali Baashi Aadan Faarax Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlu sunna ayaa sheegay cabsida ugu weyn ee ay qabaan Maamulkooda in uu yahay qaabka xildhibaanada Labada Golle ay u bixin doonaan codkooda.

 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)