TopNews: DFS oo Heshiis Xasaasi ah la gashay Kenya & Diyaaradda Kenya Airweys oo 27 Sano kadib imaaneysa…

Shirkadda Diyaaradaha Dalka Kenya ee lagu Magacaabo Kenya Airways ayaa waxaa ay Duulimaad Toos ah ka bilaabi doontaa Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii dalka Soomaaliya ka dhacay.

Arintaan ayaa timid kadib markii ay kulan wada qaateen Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulalahi Salaad Oomaar iyo Dhigiisa Kenya Mudane James taas oo lagu shaaciyay .

Soomaaliya ayaa haatan u muuqata mid Dib uga Soo kabaneysa dhibaatooyinkii ka soo gaaray dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay,waxana heshiisyo ay la gashay Shirkado Caalami ah kuwaas oo hada ka Shaqeeya Gudaha Soomaaliya.

Hadii ay Shirkadda Kenya Airweys ka shaqo bilowdo Soomaaliya waxaa ay noqoneysaa markeedii ugu horeysay mudo gaareysa 27 sano.

Xili hore ayay dowladda Soomaaliya ay Kenya kala heshiisay in duulimaadyo toos ah ay dhexmaraan Soomaaliya iyo Kenya taas oo lagu joojiyay diyaarihii lagu joojin jiray magaalada Wajeer.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)