TOP+NEWS:-Dagaal lagu hoobtay oo maanta ka dhacay gobolka Gedo

Dagaal hubka noocyadiisa kala duwan leesku adeegsaday ayaa waxaa uu Ciidanka Militariga Kenya iyo Ururka Al Shabaab, uu ku dhex maray inta u dhaxeyso Degmada Ceelwaaq iyo Degaanka Buusaar ee Gobolka Gedo.

Dagaalkan, ayaa wuxuu ka dambeeyay markii kolonyo ay la socdeen Ciidanka Kenya, ay Shabaabku ku weerareen degaanka Booco.

Booco 15km ayay u jirtaa Degmada Ceelwaaq, halka 25km ay u jirto Deegaanka Buusaar.

Sarkaal Ciidanka Xoogga Dalka ka tirsan, ayaa Risaala u sheegay in Ciidanka Kenya ee la weeraray, ay sahay ka soo qaadeen Degaanka Ceelwaaq Kenya, ayna u wadeen Ciidanka Kenya ee saldhiga ku leh Degaanka Buusaar.

Xoogaga Al Shabaab, ayaa maalmahaan kordhiyay dagaalka ay kula jiraan Ciidanka Kenya, ee qaybta ka ah Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)