Topnews: Cali Khaliif Galleyr oo Quus ka muujiyey Wadahadalka S/Land & Soomaaliya

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State Cali Khaliif Galleyr ayaa waxa uu ka hadlay wadahadalada udhaxeeya Soomaaliland iyo Soomaaliya.

Cali Khaliif ayaa sheegay in aysan waxba kasoo naaso cadaan doonin inta labada Dhinac ay Qodobada qaar mid walbo uu ku dhegan yahay.

Prof.Galleyr ayaa sheegay in hadii la doonayo isku soo dhawaanshiyo ay muhiim tahay rabitaanka mid walbo labada dhinac la dhageysto hadii ay macquul tahayna Qodobadaasi wax laga badelo.

Cali Khaliif waxa uu sheegayaa in la isku daalin wadahadalkaasi inta laga qadinayo deegaanaada Khaatumo sida uu warka udhigay ee Koonfur iyo Wuqooyi ay wadahadalka isku koobayaan.

Waxa uu Hogaamiyaha Khaatumo sheegay in Shan Sano Hadda kadib ah xitaa aysan wadahadalka Turkiga u aadayeen Soomaaliya iyo Soomaaliland waxba kasoo bixi doonin miro dhal ah.

Soomaaliland ayaa ka go’day Soomaaliya Sanadkii 1991-ii Balse weli Aqoonsi ma aysan ka helin Caalamka,iyadoo Khaatumo aan loo aqoonsaneyn xitaa Maamul Gobolleed dalka ka jira.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)