TOP:- Taliyaha Booliska oo Xabsiga loo taxaabay kadib markii uu ka hor yimid Amar Xasan Sheekh uu faray

Warar hoose oo ay heleyso Shabakadda baahin.net ayaa sheegaya in Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Xabsiga lo taxaabay kadib markii uu Amar diido sameeyay.

Taliyaha Booliska ayaa la sheegay in uu ka biyo diiday Amar uu siiyay Madaxweynaha aan Xilka weli laga wareejin ee Xasan Sheekh Maxamuud  kaas oo aan weli baaritaan ku heyno waxa uu quseeyay.

Jeneraal Maxamed Xasan Xaamud Taliyiha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa la xasuustaa intii ay socdeen Ololaha Doorashada Madaxweyne in uu ku dhexmilmay Arrimaha Siyaasadda , kadib markii taageero indho la’aan ah uu u ballanqaaday Madaxweynihii waqtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud taas oo hadal heyn badan dhalisay, waxaana loo arkaa Amar Diidaan uu uga horyimid Amarka Madaxweyne Xasan Sheekh  mid uu Kalsooni kaga raadsanayo Madaxweynaha Cusub.

.Maxamed Xasan Xaamud ayaa  ka mid ah Shaqsiyaadka ay aadka isugu dhow yihiin Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed oo ay aad siyaasad ahaan isaga soo horjeedaan Madaxweyne Farmaajo.

Shariif Xasan ayaa ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee loo xagliyo in dalka ay dib ugu dhigaan danaha Dowladda Erhiopia oo ka soo horjeeda Horumarinta Soomaaliya kuna heysay muddo dheer Gumeysi dadban.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)