TOOS U DHAGEYSO: Somaliland oo bilowday xod xodosha, kadib guushii Farmaajo

Maamulka Somaliland ayaa si cad u sheegay in Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo looga baahan yahay in uu dib u soo celiyo wada hadalada Maamulka Somailand iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maamulka Somaliland ayaa sidoo kale ugu baaqay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya in uu ka taxadaro in uu si qaldan u maro wada hadalada Maamulka Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Afhayeenka Madaxtooyada Maamulka Somaliland Eng. Xuseen Aadan Cige ayaa Warbaahinta u sheegay in Maamulka Somaliland uu soo dhaweynayo Madaxweynaha cusub e Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in fara gelin shisheeye laga Madax banaaneeyo wada hadalada Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu xusay in Madaxweynaha Cusub looga baahan yahay in uu cashar ka barto qaladaadka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee ku saabsana wada hadalada Maamulka Somaliland iyo Dowladda Federaalka.

Maamulka Somaliland iyo Dowladda Federaalka ayaa dhowr mar ku wada hadlay Dalka Turkiga, Waxaana kulamadaasi ay noqdeen kuwo aan guul laga gaarin maadaama labada dhinac heshiiska ay wada gaareen uusan dhaqan gelin.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)