Toogasho Ka Dhacday Magaalada Boosaaso,Daacish Oo Amniyaatkooda Wadaan…

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso Ee Gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in habeenimadii Xalay lagu dilay magaaladaasi,Wiil dhalinyaro ahaa.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Shaafici Qarshe,waxaana la ogeyn sababta ka dambeysay in la khaarajiyo.

Koox Bistoolado watay ayaa waxay ka dambeeyeen dilka Marxuumka iyadoo kadib gacan ku dhiiglayaasha dilka ay baxsadeen.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ciidamada Amniga ay goobta gaareen,markii wax yar kadib dilka dhacay,waxaana socda baaritaan ku aadan soo qabashada kooxdii dilka geystay.

Marxuumkaasi ayaa ahaa ganacsade mehrad ku lahaa Magaalada Boosaaso.

Dhowr mar ayaa lasoo sheegayaa in sidaan oo kale ay weerar toogasho ka dhacdo Xarunta Ganacsiga Boosaaso hadana aanan dad loo soo qaban.

Sida Aan Xogaha ku helayno waxaa Dilkaan ka dambeeya Kooxda Daacish Oo Ganacsatada Lacago Badan dul dhigay kii bixin waayana ay beegsanayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here