Tiradda dagaalameyaasha Al-Shabaab ee sanadkan 2019-ka oo la shaaciyey

Al-Shabaab ayaa weeraro ka dhan ah dowladda Soomaaliya waxay ka wadaa gobolo kamid ah waddanka tan iyo sanadka markii uu ahaa 2007-dii, oo ay kooxda kasoo ifbaxday koonfurta waddanka.

Inta iyo waqtigaas sanad walba waxaa sii kordhayey tiradda dagaalameyaasha kooxda oo u badan dhalinyarro. Ilaa iyo haatan ma cadda tiradda ah saxda ah xitaa Mareykanka ma awooda in uu sheego.

Balse waxaa qiyaasyo la xiriira tiradda xubnaha ururkan oo ku xoogan gobolada Koonfureed sida Shabeellooyinka iyo Jubooyinka, halkaasoo ay joogaan hogaamiyeyaasha kooxdaas.

Warbixin cusub oo baaritaan ah taasi oo ay shaacisay BBC-da qaybteeda aadka u dabagasha arrimaha argagixisadda ayaa lagu shaaciyey in ay gaarayaa 5 illaa iyo todoba kun oo askar ah.

Sikastaba ha ahaatee, Mareykanka ayaa safka hore wuxuu kaga jiraa dagaalka looga soo horjeedo ururkan, waxaana Washington ay qaadaan howlgalo balaaran oo isugu kuwa cirka iyo dhulka ah.