Tarsan oo Codsi lama filaan ah udiray madaxweyne Farmaajo & Arin bilaabatay Xiligii Sh Shariif oo…

Duqii hore ee Muqdisho iyo Gudoomiyaha Xisbiga Cadaaladda Bulshada Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa baaq xasaasi ah u jeediyay madaxweynaha Soomaaliya.

Mudane Tarsan oo ka mid ahaa musharixiintii xilka madaxweynaha ayaa talo soo jeedin u diray Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, isagoo dalbaday in la joojiyo falka dilka ah ee dowladu fuliso.

“Waxaan soo jeedinayaa in xilligaan la joojiyo dilka Toogashada, maadaaama Garsoorayaasha Dalka aysan Khibrad u lahayn habka qaadista Dacwooyinka ku saabsan Dambiyada Dilka ee dhaca” ayuu yiri Mudane Tarsan oo ka hadlayay maanta xaflad lagu xusay sanadguurada saddexaad Xisbiga Midnmo Qaran.

Wuxuu baaq toos ah u diray Madaxweyne Farmaajo isagoo u sheegay inuu joojiyo saxiixa dilalka Toogashada ah, inta laga helayo Garsooryaal Khibrad leh oo qaadi kara Dacwooyinkaas Xasaasiga ah.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa bilowday iney toogasho ugeysato askartii dil geysata ama dagaalyanada Shabaab ee lasoo qabto xiligii dowladii KMG aheyd ee Sh Shariif.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)