Soomaaliya oo kaalmaha hore ka gashay qiimeyn ay sameysay Qaramada Midoobay oo ku saabsan…

War qoraal ah oo ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxaa looga hadlay xad gudbyada loo geysto caruurta iyo wadamada ay ku nool yihiin waxaana kamid noqotay Soomaaliya.

Waxaa Qaramada Midoobay ay sheegtay in xadgudbyo argagax leh loo geysto caruurta Soomaaliyeed hadii ay ahaan laheyd dil fool xun iyo kufsi,

Warbixintan oo sanadle ah ayaa qaramada Midoobey ku sheegtay in ugu yaraan 19,379 carruur ah ay dhibanayaal u noqdeen xadgudubyo waaweyn oo isugu jira askarayn iyo kufsi.

“Iska horimaadyada hubeysan iyo tixgalin la’aanta sharciga caalamiga ah ee bini’aadamnimada iyo sharciga caalamiga ee xuquuqda aadanaha ayaa saameyn ba’an ku yeeshay ilaalinta carruurta, ”ayaa lagu yiri warbixinta.

Tirada ugu badan ee xadgudubyada halista ah waxaa laga diiwaan galiyay Afghanistan, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo (DRC), Soomaaliya, Suuriya, iyo Yemen.

In ka badan 8,400 oo carruur ah ayaa lagu diley ama lagu dhaawacay dagaallada socda waddamadan. Ku dhowaad 7,000 oo kale ayaa loo qorey askarayn dalalka DRC, Soomaaliya, Suuriya, iyo Myanmar.