Soomaaliland Oo Soo Bandhigtay Sir La Qarinayey Sababta Dawlada Farmaajo Udiiday Inay…

Xukuumadda Soomaaliland ayaa dowlada Soomaliya ku eedeysay inaysan dhab ka aheyn dar dar galinta wada hadalada ka dhaxeeya Soomaliland iyo dowlada kaas markii ugu dambeysa ka qabsoomay dalka Turkiga

Wasiirka armaha gudaha Maamulka Soomaaliland Maxamed Kaahin ayaa madaxweynaha Soomaliya ku eedeeyay inuusan diyaar u aheyn ambaqaadka  wadahadaladii horay usocday xilli Madaxweyne Farmaajo uu sheegay inuu soo celin doono Wada hadalkii Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland kaas oo Mudooyinkii dambe hakad ku jiray .

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la helo Midnimadii Soomaaliya oo dib u soo noqota islamarkaana Soomaaliya aysan kala maarmin.

Wadahadaladii Dowlada Dhexe iyo Somaliland ayaa Mudo hakad ku jiray,waxaana Somaliland ay sheegtay in ay diyaar u tahay wada hadal ay la gasho Dowladda uu Hogaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed  C/llaahi farmaayo.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay