Somaliland: Waddani & UCID oo ka shiray hanashada Guddoonka Golaha Wakiilada.

Xisbiyada mucaaradka ah ee Waddani & UCID ayaa bannaanka Magaalada Hargeysa ka bilaabay kulamo ay ku xoojinayaan loolanka Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiilada Somaliland si ay uga adkaadaan Xisbiga Kulmiye.

Labadaan Xisbi ee Mucaaradka ah ayaa ku heshiiyay in muddo saddex cishe ah ay ka doodaan qorshaha Doorashada si ay uga guuleystaan Xisbiga talada haya ee Kulmiye sida uu Warbaahinta u sheegay Xoghayaha Waddani Khadar Xuseen.

“Xildhibaannada & Hoggaanada labada Xisbi Mucaarad ee Waddani iyo UCID si ay usii xoojiyaan guulaha waaweyn ay ka gaareen Doorashooyinka iyaga oo 6 kamid ah ku guuleystay Maayirada Magaalooyinka waaweyn, isbadalka uu shacabka doonayo sidii loo hirgelin lahaa ayaan kala hadalnay Xildhibaannada” ayuu yiri Xoghayaha Waddani.

Maanta waxa ay ka doodayaan sidii Xildhibaannada Golaha Wakiilada ay isugu xirmi lahaayeen si hormuud ay ugu noqdaan isbadalka Doorashada Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiilada halka Berri oo ah 22-ka June 2021 warmuriyeed ay kasoo saari doonaan kulamadooda.

Xisbiyada Waddani iyo UCID waxa ay isu kaashanayaan sidii ay u heli lahaayeen Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, halka Kulmiye uu ka dhiidhinayo in laga fara-maroojiyo awoodda hoggaamineed ee Somaliland.