S/land Oo Mas’uliyiin Xilal Culus Hayey Shaqada Ka Ceerisey & Sababta Oo La Ogaadya

Magaalada Hargeysa warar inaga soo gaaray ayaa xaqiijinaya in shaqada laga joojiyey Garsoorayaal katirsanaa Maxkamadaha Maamulka Soomaaliland.

Kadib Ashtako badan oo loo gudbiyey Gudiga Cadaalada Soomaaliland waxay  keentay in kormeer ku sameeyaan Gobollada Somaliland kadibna ay soo ogaadeen Xaqiiqada.

Maamulka Soomaaliland ayaa waxa uu ka mid yahay meelaha ugu badan ee Garsoorka ka liito,iyadoo Lagu Eedeeyey Seddex garsoore mid taageero umuujiyey Xisbiyada Siyaasada.

Mid ka mid ah Xubnaha Xilka hayey Ee Shaqo ka fariisinta lagu sameeyey ayaa ah Xeer ilaaliye caan ka ah Soomaaliland.

Waxa lagu Dhaliilay inay Shaqadii ay hayeen ka hor mariyeen Dano gaar ah iyadoo Afar Xeer ilaaliye La Ceeriyey kuwo kalena booskooda lagu badelay.

Dadka ku dhaqan Soomaaliland waxey ka cawdeen in marar badan Xukuno ay ku dhacaan aan cadeymo loo heynin sida loogu riday Lacagna ay ka xoog badiso dacwad oogaha iyo la dacweeeyaha intuba.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)