Siyaasi Sheegay in Soomaliya Wadamo Badan Abaal U Gashay Balse Loogu abaal Guday Xumaan Muuqata

General Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde, ayaa uga digay dowladaha fara gelinta ku haya arrimaha Soomaaliya inay muhiim tahay inay kala baxaan faraha Soomaaliya, maadaama ay tahay Soomaaliya dal madax banaan.

Indha Cadde, ayaa sheegay dadka Soomaaliyed weli inay nool yihiin oo aysan aheyn dad dhintay sida uu yiri, waxaana uu intaasi ku daray hadalkiisa Soomaalida inaysan ilaawi waxyaabaha dhibaatada ah ee loo geysto.

Fariinta uu u diray dowladaha faragelinta ku haya Soomaaliya ayaa wuxuu ku sheegay in Soomaaliya abaal weyn ay gashatay qaar ka tirsan dowladaha deriska la’ah, balse Soomaaliya loogu abaal guday xumaan muuqata oo fara gelin ay ku dheehan tahay.

Somaliya oo xilligaan marxalad xasaasi ah ku jirta, ayaa waxaa jira fara gelin dowladaha deriska la’ah ay ku hayaan arimaha Soomaaliya, islamarkaana digniino kala duwan laga bixinaayo faragelintaasi.

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Cumar C/rashiid ayaa Arbacadii si adag uga digay faragelinta lagu haayo siyaasada Soomaaliya, gaar ahaan wuxuu sheegay dowladaha deriska qaarkood inay dabada ka riixayaan Musharax gaar ah oo han siyaasadeed leh.

Musharaxiinta qaar ee Khamiistii Khudbadaha ka jeediyay xarunta Baarlamaanka, ayaa ku eedeeyay dowladaha Ethiopia iyo Kenya inaysan dooneyn dowlad waarta oo Soomaaliya ka dhalata.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)