Sirculus:-Sababaha Dowladda iyo AMISOM ugu Guuleysan La’yihiin Xarakada Al-shabaab oo La Ogaaday

Musharax Madaxweyne C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo maanta khudbad ka hor jeediyay Xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaliya iyo aqalka aqalka Sare ayaa sheegay in Al-shabaab ay ku nool oo kaliyaha cuqdada ka dhexjirta Madaxda dowladdaa Federaalka Soomaliya.

“Alshabaab waxay ku nool yihiin cuqdadada annaga naga dhex jirta, hadaan anaga isku calool furanahay Al-shabaab siima jiri doonaan, balse hadaan  cuqdadada annaga naga dhex sii jirto  Al-shaabab way sii jiri doonaan”,ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in Soomaaliya uusan Ammaan ka jirin islamarkaana Markii la waayay Ciidan Shaqeeya Wadooyinka Muhiimkaa la dhigay Askar Jiifa oo uu ula jeeday Dhagxaanta iyo Askariga Jiifa ee la dhigay Wadada Hormarta Madaxtooyada Soomaaliya.

Musharax Madaxweyne C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa sanadkaan kamid ah Xubnaha ugu cadcad xilka Madaxweynaha Soomaliya, waxa uu ku jiraaa Olilihii ugu dambeeyay ee kursiga Madaxweynha.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay