Sir Laga Helay Guddiga Qabanqaabada Doorashada Madaxweynaha oo Banaanka La Keenay

Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Doorashada Madaxweynaha C/raxmaan Ducaale Bayle oo u Waramay warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu bannaanka keenay sir laga helay guddiga qabanqaabada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Mr Ducaale ayaa waxaa uu sheegay in xubno ka mid ah guddiga uu madaxda u yahay ay dhibaatooyin ku hayaan qaar ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya u taagan.

Waxaa uu intaa ku daray in guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu u gudbiyey xubnaha gudiga ka tirsan ee laga cabanayo,dhawaanna uu soobaxayo go’aan sharci ah oo laga qaadayo xubnahaasi.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dalka C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in gudigu uu diyaar u yahay inay isku dayaan xallinta xiisad walba oo ka dhalata howsha guddiga.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay