Home WARARKA SIR LA HELAY Dhageyso: R/W Itoobiya Oo Dawlada Qatar Heshiis Kula galay...

SIR LA HELAY Dhageyso: R/W Itoobiya Oo Dawlada Qatar Heshiis Kula galay Arin Khuseysaa Soomaaliya

6
0

R/wasaaraha Dalka Itoobiya Haila Mariam Desegln ayaa waxa uu kusugan Yahay Waddanka Qatar gaar ahaan Magaalada Doxa Ee Caasimada Dalkaasi.

Wafdiga R/wasaare Haila Mariam ayaa waxa si diiran loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Doxa waxaana la sheegay in kadib loo galbiyey Xarunta Madaxtooyada Dalkaasi.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Xog ay ka heshay Badweyn.com Dawlada Qatar iyo Heshiiska Itoobiya kala saxiixdeen ay qeyb ka tahay la dagaalanka Kuwa Siyaasiyiinta ah Ee Soomaaliyeed.

Qatar ayaa lacag ku bixineysa inay kala dhantaasho Awooda Dawlad Gobolleedyada iyo mida Dawlada Dhexe si banaanka ay ugu soo dhacdo Dawlada Farmaajo.

R/W Itoobiya ayaa waxa la sheegay in uu ballan qaaday sidii loo heli lahaa Gacan laga siiyo iyadoo aan la dareemeyn in galaan gal lagu yeesho Madaxtooyada Soomaaliya,iyadoo sidoo kale Qatar ay ka maseersan tahay Awooda Turkiga ku yeeshay Soomaaliya.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here