Sir Culus:-Rajadii Musharaxiinta Mucaaradka Inay Xilka Ka Tuuraan Madaxweynaha oo Mugdi Galaysa

Kala shaki iyo daneysi siyaasadeed oo gaar ah ayaa halis gelinaya rajada isbaheysiga musharaxiinta mucaaradka ay ka qabaan inay xilka ka tuuraan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, islamarkaana uu ku guuleysto mid ayaga ka mid ah, sida ay ogaatay baahin.net

Isbaheysigan oo ay ku mideysan yihiin inta badan musharaxiinta, marka laga soo tago Xasan, ayaa waxaa u yaalla heshiis ah in musharaxa ugu codadka badan wareegga koowaad ee aan Xasan ahayn loo tanaasulo, lana taageero, si uu wareego labaad uga adkaado Xasan Sheekh.

Si kastaba, waxaa hadda soo baxeysa in shaki ballaaran uu jiro, lana tuhmayo in qaar ka mid ah musharaxiintan ay heshiis hoose oo qarsoodi ah la galeen madaxweyne Xasan Sheekh, taasi oo dhabarjab ku noqon karta damacooda.

Musharaxiin dhowr ah oo Caasimada Online la hadlay balse codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in la tuhunsan yahay illaa saddex musharax inay heshiis qarsoodi ah la leeyihiin madaxweynaha, inkasta oo ay diideen inay magacyadooda xusaan.

“Rajadu waa wanaagsan tahay, Xasan waa inuu helaaa 165 musharax wareegga labaad, si uu u guuleysto, mana maleynayo inuu heli karo, basle dhibka jira ayaa ah sidii xldhibaanada isbeddel doonka loo mideyn lahaa” ayuu yiri musharax la hadlay Caasimada Online.

“Waxaa jira musharaxiin kalsooni darro qaba, oo aaminsan in Xasan uu rajo wanaagsan yahay, sidaa darteedna aaminsan in isbaheysi ay isaga la galaan ay wax ku heli karaan, waana nasiib darro”.

Shakigan ayaa soo baxay markii xildhibaano ka mid ah kuwa is-beddel doonka laga dareemay in musharaxiinta ay taageersan yihiin u sheegeen in wareegga labaad ay u cdeeyaan Xasan, intii ay uga codeyn lahaayeen musharaxiinta kale.

Tuhunka ugu weyn ayaa laga qabaa musharaxiinta aan taageerada badan haysan, hase yeeshee maadaama wareegga labaad lagu kala baxayo hal dheeri, cod kasta oo ka mid ah xildhibaanada waxa uu leeyahay qiimo.

Musharaxiinta mucaaradka ayaa waxaa ugu cad cad Sheekh Shariif, Farmaajo, Jabriil iyo Ameeriko, mana ka mid aha dadka shakiga laga qabo, sida aan xogta ku helnay.

 

 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay