Sir Culus:-Mas’uul Caan ah oo Ku Dhawaaqaya Mar Dhow Ka Tanasulida Musharaxnimadiisa+Magaciisa

Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa daqiiqada soo socda lagu wadaa in uu ka tanasulo Musharixnimadiisa Xilka madaxweynaha Soomaliya oo haatan ay ka harsan tahay doorashada 24-saac.

Ilo lagu Kalsoonan karo ayaa baahin.net u sheegay in Mas’uulka uu cadaadis kala kulmay Mushariixiin kale islamarkanaa Xalay uu kulan la qaatay Madaxweyaha Maamulka Puntland iyo Madaxweynihii Hore ee Soomaliya Shiikh Shariif Shiikh axmed islamarkaana lagu qanciyay in uu tanasulo.

Waa mas’uulkii 2-aad ee maanta ka tanasula Musharaxnimada Xilka Madaxweynaha waxaa maanta Tanasulay Madaxweynihii Hore ee Maamulka Puntland Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)