Sir Culus:- Cidii Ka Dambeysay In Intarnetka Laga Jaro Magaalada Muqdisho oo La Ogaaday+DHAGEYSO

Musharax Madaxweyne Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) oo kamid ah Musharixiinta u taagan  xilka Madaxweynaha Soomaliya oo la hadlay warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay sababaha loo xiray Internetka Guud ahaan Magaalada muqdisho.

Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), Musharax Madaxweyne ayaa sheegay in la isku soo aadiyay internet-ka la jaray guud ahaan Magaalada Muqdisho, iyo in saxaafadda Madaxa banaan ee Magaalada muqdisho iloo diido In ay ka qeyb galaan dooda Musharixiinta oo lagu kala tagay goordhaweyd.

RIIX HALKAN: DHAGAYSO CODKA 

“Sababaha loo jaray intarnet-ka  Magaalada Muqdisho way iska cadahaya waa arin la iska ogaa, oo dowlada waqtigeeda uu dhamaaday ay soo dajisay, ka musharax ahaan aad ayaan kaga xunahay in shacabka Soomaliyeed indhaha la tiro waxna aysan maqlin”, ayuu yiri Musharax Maxamed Cali Nuur (Ameeriko).

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya, ayaa waxaa maanta ka jiray Internet la’aan, ka dib markii la sheegay in cilad ku timid shirkaddii ugu weyneyd ee bixin jirtay adeegga Internet-ka.

Fibre Optic oo bixisa adeegga Internet-ka ee ka jira Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa la soo sheegaya in ciladi ay ku timid, isla-markaana ay shirkaddu gacanta ku hayso cilad bixintaasi.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)