Sidee Booliska UK u qabteen Asaasihii Shabakadda Wikileaks – Julias Assange..

Booliska London ayaa xiray Aas aasihii Shabakadda Wikileaks ee faafin jirtay xogaha siraha, kaddib muddo 7 sano oo uu ku magangalyo ahaan ugu jiray gudaha Safaaradda Ecuador ee London.

Mr Assange ayaa waxaa dooneysay dowladda Sweden, waxaa loo heystay eedeymo la xiriiri arrimo kufsi ah.

Booliska ayaa sheegay in Mr Assange la soo xiray, kaddib markii uu diiday inuu isku dhiibo Maxkamadda.

Madaxweynaha Ecuador Lenin Moreno ayaa sheegay inay laaleen magangalyadii Mr Assange, kaddib markii uu ku xadgudubay heerarka caalamiga.

Sawirro la soo qaaday ayaa muujinayay Mr Assange oo garka ku baxay, oo ay Booliska garba-duub u wadeen, waxaana uu ku qeylinayay erayo ka dhan Britain.

Xogahayaha Arrimaha Gudaha Britain ayaa xaqiijiyay xariga Mr Julian Assange, waxaana uu sheegay in aanay sharciga cidna ka weyneyn.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here