Shir looga hadlaayay isku xirka howlaha laamaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha DFS oo Garoowe lagu qabtay.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka qaybgalay Shir looga hadlayo isku xirka howlaha laamaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Faderaalka ah ee Soomaaliya, kaasoo ka qabsoomay magaaladda Garoowe Caasimadda Puntland.

Shirkaan oo sadexdii biloodba mar la qabto waxaa looga hadlay howlaha isku xirka Laamaha Hay’adda, wixii qabsoomay, caqabadaha iyo fursadaha jira, waxaa Madaxweyne ku xigeenka ku wehlinayay Wasiirka Amniga Puntland Cabisamad Gallan, Agaasimaha guud Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) Madaxda Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah, Maamulka gobolka Nugaal, Kan degmada Garoowe, Saraakiisha Amniga ee kala duwan, Ururada Bulshada rayidka ah iyo Marti sharaf kale.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa bogaadiyay shaqada Hay’adan, waxaana uu tilmaamay inay si dhow u wada shaqeeyaan, loona baahan yahay in lasii laba jibbaaraan howlaha baaxadda leh ee ay Ummada u hayaan.

Ugu danbayn Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa hoosta ka xarriiqay in Puntland iyo Hay’ada Socdaalka ay leeyihiin wada shaqayn wanaagsan, waxaana uu ku ammaanay shaqada ay ka qabteen howlaha Socdaal Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here