Shir Caalami Ah Oo Maanta Ka Furmayo Deg.Kismaayo iyo Madaxda Oo Isku Hal Ujeedo Ah

Magaalada Kismaayo Ee Caasimada KMG ah Ee Jubbaland waxaa ka furmaya Shir Ballaaran oo Mas’uuliyiin kaladuwan ka qeyb geli doonaan.

Ajandaha ugu weyn Ee Shirkaasi ayaa ah in loo kuur galo Xaalka Abaarta Soomaaliya ku reebtay iyo samata bixinta qaabka ay noqon karto diifta laga dhaxlay Abaartaasi.

Shirka waxaa soo agaasimtay Wasaarada Qorsheynta Soomaaliya,iyadoo marti loo yahay Maamulka Jubbaland,Khubaro Caalamka ka yimid oo darseya Xaalada Abaarta laga dhaxlay ayaa sidoo kale shirka ka qeyb geli doona.

Amniga ayaa aad loo adkeeyey Magaalada Kismaayo oo Shirka maanta oo Axad ah ka furmayo,waxaana lagu wadaa in geba gabada shirka war murtiyeed laga soo saaro.

Abaartii sanadkii hore ku dhufatay Qeybo ka mid ah Soomaaliya ayaa waxaa ay galaafatay dad iyo duunyo badan,kuwo kasoo barakacay xaaladaasi abaareedna weli ma heystaan gurmad wax ku ool ah.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay