Sheekh Shariif Sheekh Axmed” Waxaan dhisi doonaa Ciidamo cusub oo badbaadiya Dalka”

Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Maanta Khudbad ka horjeedinayay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay Arimo badan oo ku saabsan waxyaabaha uu qabanayo hadii uu Noqdo Madaxweynaha Soomaaliya Afarta Sano ee soo socota.

Sheekh Shariif ayaa sheegay hadii uu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya in uu diyaari doono ciidamo gaar ah , kuwaa soo la wareegi doona Ammaanka , islamarkaana Aqoon u leh Suggida Amniga.

Midnimada Soomaaliyeed ayuu sheegay in xukuumadiisa ay ka shaqeyn doonto.

Marka la Gaaro 2018 ayuu xusay in ciidamo isku dhaf ah ay la wareegi doonaan Ammaanka.

Mar uu ka hadlayay Ciidanka AMISOM , Waxaa uu tilmaamay in AMISOM ay baxayso markii Soomaaliya ay yeelato ciidan Qaran.

Maxkamaddaha iyo Garsoorka ayuu sheegay in Afartii sano ee uu xilka ka maqnaa waxba laga qaban , waxaana uu tilamaamay in uu dardargalin doono dhismahooda.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)