Home WARARKA Sheekh Fu’aad Shongole Oo Hanjabaad Culus Soo Diray iyo Meesha Uu Joogo...

Sheekh Fu’aad Shongole Oo Hanjabaad Culus Soo Diray iyo Meesha Uu Joogo Oo La Ogaaday

4
0

Ururka Al Shabaab ayaa waxay sheegeen inay hadda soo rogaan celin doonaan oo ay sii wadayaan Duulaanka ay ku yihiin Kuwa Ajaanibta Dalka kusoo gar darooday.

Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf (Shongole) ayaa ka mid ah Saraakiisha Al Shabaab kuwooda ugu sareeysa dhinaca Dacwada iyo uyeerida Dagaalamayaasha Cusub ayaa Khudbad Xasaasi ah jeediyey.

Sheekh Fu’aad oo hadda kusugan Magaalada Jilib Ee Gobolka Jubada Dhexe ayaa muxaarado Jihaadka looga hadlayey uu kasoo muuqday waxa uu ku baaqay cod dheer in lala dagaalamo AMISOM iyo Ciidanka Dawlada Soomaaliya.

Ina Shongole ayaa sheegay in si gaar ah ugu baaqayaan Beegsiga Ciidanka Kenyaanka ah iyo Itoobiyaan Dalka kusoo xad gudbay oo ah Saliibiyiin sida uu warka udhigay.

Fu’aad Shongole oo ah Caalim Diinta iyo Maadiga si fiican ubartay ayaa heystay Dhalashada Dalka Canada balse laguĀ  daray Liiska Xubnaha Mareykanka Madaxooda Lacagta dul dhigay hadii nolol iyo geeri lagu soo qabto.

Waxa uu Shongole si wanaagsan usoo bartay Guubaabinta Dadka iyo inuu soo jiidasho ku sameeyo Dhalinyarada da’dooda yar tahay waana midka ugu badan ee Shabaab wacdigiisa awgiis ay qoriga uqaateen si ay Maleeshiyadaasi ugu dagaal galaan.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here