Sheekh caanka ah Soomaalida oo shaaciyay in nolosha lagu gubo Soomaalida qabta cudur halis ah

HIV-AIDS wuxuu ka mid yahay cudurrada faafa ee dhimashada badan sababa, waxaana mararka qaar dadka la nool ay la kulmaan faquuq iyo dhibaatooyin kale oo uga imaada dhinaca bulshada.

Dunida ayaa cudurkan si weyn ula tacaasha, waxaana loo helay dawooyin lagu xakameeyo marka uu heerarkiisa ugu horreeya marayo, hase yeeshee wuxuu saameyn aad u ballaaran ku leeyahay dalal badan oo ay ka mid tahay Soomaaliya.

Wariye ka tirsan laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da ayaa magaalada Garoowe ee xarunta u ah maamulka Puntland kula kulmay Bashiir Cismaan Cawad, oo ka mid ah dadka qaba xanuunkaas, wuxuuna nala wadaagay sheekadiisa iyo qisooyin kale oo ku saabsan dhibaatada ay dadka isagoo kale ah kala kulmaan bulshada, xanuunka ay qabaan awgiis.

“Waxaan la socday nin mardhow laga helay xanuunka HIV oo aan wacyigelin u sameynayay. Laakiin cudurka waxaa ka sii xanuun badan waxa nafsiyan qofka haya iyo fakarka ku jira”, ayuu yiri, Bashiir Cismaan Cawad oo ka mid ah dadka la nool xanuunka HIV, ee daggan magaalada Garoowe.

Wuxuu sheegay in sababo la xiriira bulshada oo cudurkaas neceb dartood ay dad badan u qarsadaan, maadaama ay ka baqayaan in la faquuqo ama lala macaamili waayo.

“Dadka qaba cudurkan guryaha inay kireystaan looma oggola, haddii iyagoo daggan la ogaadana waa laga saaraa. Waxaa jira qof ilmihiisii inkiray, gabar baa xanuunka HIV laga helay ka dibna waxaa inkiray labadeedii waalid, arrintaasna anigaa og, marka waxaan rabaa in dadku ay fahmaan in waxan uu yahay xanuun na haya oo loo baahan yahay in si wadajir ah looga hortago si uusan dhibaato kale u keenin”.

Bashiir waa sarkaal ka tirsan ciidamada booliska Puntland, wuxuuna sheegay in caqabado badan uu kala kulmay bulshada uu ku dhex nool yahay. Wuxuu ka sheekeeyay dhacdooyiinkii uu la kulmay oo xitaa masaajid uu ku jiro.

“Annagoo masaajid ku jirna oo salaadda inaan galno isku diyaarineyna ayuu wadaad istaagay, wuxuu sheegay hadallo aad u qallafsan oo ka dhan ah dadka qaba xanuunka HIV-AIDS. waxaa hadalladiisii ka mid ahaa: ‘cudurka AIDS-ka kuma dhaco dadka Islaamka ah, dadka la nool cudurkaas waxaa la rabaa in la gubo’, waxyaabo kale oo aan aad uga sii naxayna wuu ka hadlay”, ayuu yiri.

Jawaabtii kululeyd ee Bashiir

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionHIV waa xanuun ay dad badan oo ku nool Soomaaliya qarsadaan, sida uu BASHIIR U SHEEGAY bbc-DA

“Horta inta aanan wax jawaab ah bixinin, anigoo iska fadhiya oo waxaas iska dhageysanaya ayaa waxaan fiiriyay ninkii aan la socday, ee cudurka ku cusbaa, waxaan arkay isagoo ilmeynaya, hoos ayuu u oynayay dadkana wuu iska qarinayay. Islamarkiiba intaan ninkii hadlayay garab istaagay, iyadoo dad badanna i maqlayaan, ayaan ku iri xanuunka aad sheegeyso aniga ayaa la nool, qofka koowaad ee aan durayana waa adiga, waana ku dilayaa, anigoo markaas u dhaaranaya, sababtoo ah waxaa iga tan batay xanaaqa, saameyn aniga uu hadalkiisa igu yeeshayna ma ahayn ee waxay ahayd markaan u dulqaadan waayay ninkii aan la socday ee ilmeeyay”.

Ugu dambeyn wuxuu baaq u diray bulshada iyo dadka xanuunka HIV-ga qaba labadaba.

“Dadka waxaan dhihi lahaa cudurkan hallaga run sheego, aniga kula hadlaya ayaa qaba, marka dadka qaba xanuunkana si fiican haloola dhaqmo, oo yaan lagu kallifin inay qariyaan, arrintana colaad yaan laga sii abuurin”, ayuu yiri Bashiir.

Soomaali badan ayaa caqabado kala kulma xanuunka HIV-ga

Bashiir kaliya ma aha dadka Soomaalida ah ee caqabadaha kala kulmay xanuunka HIV-ga ee ay la nool yihiin.

Sacdiyo

Magaalada Wajeer waxaa ku nool Soomaali, balse waxaa jiro arrimo badan oo qarsoon oo halkaas ka jira oo aan laga hadli karin. .

Waxaa jiro dad badan oo ku nool dhibaato iyo faquuq ay kala kulmayaan bulshada ay la nool yihiin. Sababtu waxay tahay in ay qabaan xanuunka HIV.

Meel safar saacad ah magaalada kaga beegan dhanka galbeedka, waxaa ku nool Sacdiyo – waa magac aan ugu yeernay ka dib markii magaceeda saxda ah la qariyay sababo badqabkeeda la xiriira.

Sacdiyo waxay la nooshahay saddex carruur ah oo ay dhashay. Cannuga ugu weyn ayaa 11 sano jir ah. Mid ka mid ah carruureetadana waxay la dhalatay caabuqa HIV.

Sacdiyo xitaa lugaheeda kuma istaagi karto. Waxaa laga helay xanuunka HIV. Waa qof sabool ah, waxayna ku qasbanaatay in carruurteeda ay u shaqeysato in kastoo si wayn loo faquuqo.

“Toddobo sano maarkin ninkeyga waxaa igu dambeysay 2013-k-ii, bisha kowaad. Inuu dhintay ama uu nool yahay war kama haayo”, ayey tiri Sacdiya.

Waxaa cudurka laga helay Sacdiya “mar ay isbitaalka geysay gabadheeda yar oo xanuunsatay”.

“Markii ay dhaqaatiirta baareen waxay ka heleen xanuunka HIV-AIDS. Aniga ayay sidoo kale i baareen, waana la iga helay”, ayey sheegtay.

Sacdiya aad ayay uga naxday markii ay maqashay warka, diyaarna uma ahayn in ay ka hor tagto waxa ku soo socda. Isla markii ay xaaladaan kusoo korortay waxay noqotay mid la neceb yahay oo bulshada k takooran.

“Waxaa la igu dhahay ka guur, meshii aan degenaa, deriskayga way i caayaan, carruurtooda ayayna igu soo direen,” ayey tiri iyadoo murugo ay ka muuqato.

Waxay sheegtay in hal ceel oo ay leedahay dumaashideed uu walaalkeed qabo loo ogol yahay in biyo ay ka soo dhaansato.

Waxay intaa ku dartay: “Way i faquuqeen illaa heer aanan wax ka amaahan karin, ma jiro qof dan iga leh, nolol ama geeri.”

Waxay tilmaamtay Sacdiya, in biyaha ceelka aysan dhaansan karin, iyo in la aflagaadeyo marka ay xaafadaha dhex socoto. “Carruurta way iga garaacaan markay arkaan”, ayey sheegtay.

Markii ay bateen dhibaatooyiinka loo geysto, waxay go’aansatay in aysan guriga ka bixin, mana jirto cid ku booqata halkaas.

Sacdiya ayaa ii sheegtay in ay iskaga dulqaadato waxwalba oo ku dhaca, balse ay ka walwalsan tahay nolosha iyo mustabalka carruurteeda.

Jamaal

Jamal

Jamaal – waa magaca aan ugu yeernay si aqoonsigiisa loo qariyo – wuxuu qabaa caabuqa HIV, wuxuu ku noolyahay duleedka magaalada wajeer. Halkaas ayuu u guuray ka dib markii uu la kulmay faquuq aad u daran.

“Gurigii ugu horreeyay ee aan ku noolaa markii aan guursaday, waa la iga saaray. Waxaan u guuray mid kale oo haddana la iiga daba yimid. Waxay (milkiilihii guriga) ku dheheen ‘ninka aad guriga ka kireysay waa nin xun oo qaba cudurkii weynaa”, ayuu yiri.

Jamaal wuxuu sheegay in markii uu “caatoobay” oo ay ogaadeen saaxibidiisa iyo qoyskiisaba in uu cudurka qabo ay billaabeen in ay ka cararaan oo aysan u soo dhowaan.

1 December oo ku beegneyd shalay oo Axada ahayd, waa maalinta loo asteeyay xanuunka dilaaga ah ee HIV Aids, laakiin wali lama garanayo tirada rasmiga ah ee dadka Soomaaliyeed ee cudurkaasi uu hayo.