Shah Rukh Khan ma wuxuu Dubai ku sameyn rabaa sidii uu sameeyay Tom Cruise?

Xiddigga Bollywood-ka, Shah Rukh Khan, muddo sannado ah ayuu ka maqnaa saaxada filimada cusub, laakiin hadda wuxuu ku mashquulsan yahay filimkiisa Pathan, kaasoo laga yaabo in uu ku sameeyo ficillo halis ah oo horay uu ugu dhiirraday jilaaga Mareykanka ah ee lagu magacaabo Tom Cruise.

Waxay u muuqataa in Khan uu qorsheyaal waweyn u dajiyay filimkiisa, si uu u xaqiijiyo in uu noqdo mid soo jiidasho leh kana duwan filimadiihii ugu dambeeyay ee fashilmay.

Jilaagan magaca weyn ku leh filimada ayaa walaac weyn ka dhaxlay filimkiisii ugu dambeeyay ee ZERO, oo soo baxay 2018-kii laakiin suuqa ku guul darreystay.

Muxuu yahay ficilka uu Shahrukh Khan sameyn karo ee uu sameeyay Tom Cruise?

XIGASHADA SAWIRKA,SHAH RUKH KHAN

Ilo wareedyo ku dhow shirkadda filimka sameyneysa ee Pinkvilla ayaa soo tabiyay in filim hage Siddharth Anand iyo Shah Rukh Khan ay ka shaqeynayaan in ay qeybo filimka Pathan ka mid ah oo dagaal ah ku sameeyaan Dubai.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee la hadal hayo waa in Shah Rukh Khan uu jilliin ku sameeyo gudaha dhismaha ugu dheer caalamka ee Burj Khalifa.

Xogta ay warbaahinta Hindiya shaaciyeen ayaa xustay in muuqaallo aad u waaweyn lagu jili doono dhismaha caanka ah ee Dubai, sida ay qorsheynayaan Khan, Anand iyo sidoo kale Aditya Chopra oo arrintaas ku wada howlan.

XIGASHADA SAWIRKA,THENATIONALNEWS

Horay waxaa loo xasuustaa in dhismahaas uu muuqaallo taariikhi ah ku sameeyay xiddigga Hollywood-ka Mareykanka ee lagu magacaabo Tom Cruise, oo lagu yaqaanno inuu sameeyo ficillada ugu halista badan ee filimada.

Xalaqo ka mid ah filimka Mission Impossible ayuu Tom Cruise ku duubay dhacdo aad halis u ah, isagoo naftiisa halis ku galiyay ficil uu dhismaha Burj Khalifa ku fananayo.

Shah Rukh ayaa sidoo kale lagu soo warramay inuu ku fakarayo ficil uu ku sameeyo dusha sare ee dhismahaas, waxaana laga yaabaa inuu u bareero khatartaas weyn.

XIGASHADA SAWIRKA,MOVIEMANIACSDE

“Yeysan layaab idinku noqonin haddii aad aragtaan SRK oo ku dagaallamaya qeybta ugu sarreysa ee Burj Khalifa, isagoo xarig lagu xiray balse l qariyay,” ayaa lagu yidhi xogta ay shaaciyeen ilaha ku dhow shirkadda filimka soo saareysa.

Horay wuxuu sidoo kale jilaagan ugu dhiirraday ficillo halis badan, oo ay ka mid tahay in uu ka booday diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo khatarteeda leh, mana aha wax lagu yaqanno in ay sameeyaan atooreyaasha caadiga ah.

Pathan ayaa la filayaa inuu noqdo filim ay ku jiraan ficillo badan oo dagaal iyo is eryasho ah. “Waxaa filimka qeyb ka ah gawaari, mootooyin, hub, qaraxyo, dagaal gacanta ah – u diyaar garooba waxyaabo badan oo ficillo ah inaad ku aragtaan Pathan,” ayaa lagu yidhi xogta.