Shacabka Muqdisho oo ka hadlay Go’aanka laga dhur sugayo ee Dacwadda Badda

Iyadoo laga dhursugayo Natiijada Muranka Dacwadda Badda Soomaaliya ee ay sheegatay Kenya ayaa waxaa aragtidooda ka bixiyay qaar ka mid ah Shacabka Magaalada Muqdisho.

Mar aan la dhex qaaday Makarafoonka Shabelle qaar ka mid Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay inta badan isku aragti ka noqdeen in badda Soomaaliya aan Dacwad iyo wax la mid ah la galin Karin.

Waxaana ay intaasi raaciyeen in Rajadooda ay tahay in Soomaaliya ay Guul la taaban karo Gaarto.

Biyaha Soomaaliya ayaa waxaa Damac aan loo meel dayin ku dooneysa in qeybo ka mid ah ku qaadato dowladda Kenya taas oo Soomaalida ay ka soo horjeesteen waxaana rajo aad u wanaagsan laga filayaa Go’aano wax ku ool u ah umadda Soomaaliyeed in ay soo saarto Maxkamadda Cadaaladda ee ICJ.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)