Shacab & Shabaab oo Dagaal Dhexmaray+Gaari Laga Gubay Shabaab & 10 Askari Laga Dilay

Wararka laga helayo dhinaca Gobolka Hiiraan ayaa waxa lasoo sheegayaa in Dagaal uu ka dhacay Duleedka Magaalada B/weyne Ee Gobolkaasi.

Dagaalka ayaa dhexmaray Dadka deegaanka iyo Ciidanka Al Shabaab waxaana lasoo sheegayaa in khasaaro kala duwan uu ka dhashay Dagaalkaasi.

Inta la og yahay 10 Qof ayaa dhintay oo Shabaab iyo Shacabkii dagaalamay ah meel udhaw Deegaanka Far Libaax kadib Ciidanka Shabaab oo halkaasi ku baxay.

Warbaahinta Qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay in Dadka deegaanka ay ka dhiidhiyeen Shabaab oo halkaasi Isbaaro waxay ku sheegeen soo dhigtay.

Shabaab weli kama aysan hadlin Dagaalka ka dhacay inta udhaxeysa Far Libaax iyo B/weyne oo ay dagaal la galeen Shacabka deegaankaasi.

Xaalada ayaa iminka deggan,Dawlada Soomaaliya waxay sheegtay in Gaari laga gubay Shabaab 10 Askarigana looga dilay Dagaalkaasi.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)