Shacab cashir cusub udhigay kooxda Shabaab kana soo furtay xoolo ay Zako ahaan uga qaaday

Dagaal xoogan ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay deegaan hoostaga magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo Al Shabaab ay ku sugnaayeen.

Weerar gaadmo ah ayaa la sheegay in koox hubeysan oo hab beeleed ahaan u abaabulan inay ku qaadeen saldhiga Al Shabaab ee deegaanka Halgan oo ku dhow magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Khasaaraha ka dhashay dagaalka ayaanan la ogeyn, balse dadka deegaanka ayaa sheegaya inuu jiro khasaaro soo gaaray labada dhinac, iyadoo kooxda weerarka geysatay ay sheegteen inay dileen xubno Al Shabaab ka tirsan.

Deegaanka Halgan oo qiyaas ahaan 14 KM u jira magaalada Beledweyne ayaa waxaa Al Shabaab la sheegay inay ku hayeen xoolo badan oo dadka deegaanka Zakawaad ahaan looga qaaday.

Qaar kamid ah dadka ku sugan magaalada ayaa sheegaya in maleeshiyada weerarka soo qaaday ay u suuro gashay inay ka furtaan Al Shabaab xoolo badan oo gaaraya ku dhawaad 500 oo neef.

“Raggaan maleeshiyada waxaa horey ay u kaxeysteen xoolo badan, xoolo badan ayay ku hayaan deegaanka, marka waa lagu weeraray, ku dhawaad shan Boqol oo neef ayay horey u kaxeysteen maleeshiyaadka”ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Ma jiro wax war ah oo dhanka Al Shabaab kasoo baxay, kaasi oo ay kaga hadlayaan weerarka lagu qaaday deegaanka Halgan.

Xiisad ayaa saaka ka taagan deegaanka Halgan oo Al Shabaab iyo maleeshiyaadka hubeysan ay ku dagaalameen, waxaana Al Shabaab ay dhaqdhaqaaq ka bilaabeen deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here