Shabaab Oo Weerar Kale Saaka Ka Fuliyey Deegaanka Bariire & Khasaaraha Ka Dhashay

Ciidanka Dawlada Soomaaliya Ee Kusugan Deegaanka Bariire Ee Gobolka Sh/Hoose ayaa waxa la sheegayaa in ay Saaka mar kale la kulmeen weerar Xoog leh.

Dagaal la isku Adeegsaday Hubka nuucyadiisa kala duwan ayaana la sheegay inuu meesha ka dhacay waxaana xaalada ay duhurnimadaan tahay mid deggan.

Al Shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku Ekeeyey Fariisinta Ciidanka Dawlada Ee Bariire,waxaana adag in Xog badan laga helo Khasaaraha.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa lagu sheegay in Gaari nuuca dagaalka ay kugubeen Dagaalkaasi Saaka ka dhacay Bariire Hubna ku furteen.

Saraakiisha Ciidanka Meliteriga Ee kusugan Bariire weli kama aysan hadlin wixii maanta gelinkii hore ka dhacay deegaankaasi.

Waa markii seddexaad oo labo bil gudaheed weerar xoogan Shabaab ku qaadaan Fariisinta Ciidanka DFS ku leeyihiin Deegaanka Bariire Gobolka Sh/Hoose.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)