Shabaab Oo War Cusub Kasoo Saartay Qofkii Maanta Lagu Dilay Suuqa Degmada Xamar Weyne

Al Shabaab ayaa waxay sheegeen inay iyagu ka dambeeyeen weerarkii maanta lagu dilay nin ganacsade ka ahaa Suuqa Degmada Xamar Weyne.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa lagu faafiyey in ninka la dilay uu katirsanaa Ciidanka Dawlada Soomaaliya gaarayna Sargaal inkastoo darajada inta uu gaaray aysan soo bandhigin.

Ganacsadaha la khaarajiyey oo ahaa nin waayeel ahaa ayaa gaari gacana Xamar weyne ilaa Baacaludhaxeysa Afar irdoodka Xamar weyne ilaa Baacadlaha.

Rag ku hubeysnaa Bistoolado ayaana dilka geystay waxaana ay ka baxsadeen meesha kadib weerarkaasi.

Amniga Muqdisho ayaa sii xumaaday,waxaana lasoo sheegayaa in la heysto Saraakiisha Ciidanka Dawlada Soomaaliya maadaama habac nabad gelyada la dareemay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here