Shabaab Oo Hal Sabab Awgeed Isgaarsiinta Uga Saaray Kuunya Baroow & Hogaamiyeyaal La Sheegay…

Ururka Al Shabaab ayaa waxaa lasoo sheegayaa in isgaarsiintii Ka saareen Hawada Magaalada Kuunya Baroow Ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Wariye kusugan Sh/Hoose ayaa sheegay in Ciidanka Al Shabaab ay howlgal ballaaran uu ka socdo Deegaankaasi oo duqeyn ay ka dhacday Saacado ka hor.

Waxaa Adag in Xog badan laga helo Howlgalka Shabaab ay sameenayaan iyo waxa lagu soo qab qabtay maadaama shalay duqeyn ka dhacday Deegaankaasi.

Hogaamiyeyaal katirsanaa Shabaab ayaa la sheegayaa in waxyeelo ay kasoogaartay duqeyntii ka dhacday Deegaanka Kuunya Baroow ayna faah faahino Dadka deegaanka bixin karin waaba hadii ay ogaadaane Cabsi ay ka qabaan Shabaab awgeed.

Sargaal katirsan Ciidanka Meliteriga Soomaaliya oo kusugan meel 90 Km ujirta Kuunya Baroow ayaa wariyeyaasha usheegay in marar badan markii dhibaato xoogan ay soo gaarto Isgaarsiinta Al Shabaab hawada ka saaraan si khasaarahooda loo ogaan.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)