Home WARARKA Shabaab Oo Galabta Tii Dheereyd Ku Dhigay Ciidanka AMISOM iyo Kuwa Dawlada...

Shabaab Oo Galabta Tii Dheereyd Ku Dhigay Ciidanka AMISOM iyo Kuwa Dawlada Deg,Balcad

1
0

Wararka inaga soo gaaraya duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in haatan uu deegaano hoostaga degmadaasi uu ka socdo dagaal culus, una dhaxeeyo Xoogaga katirsan Xarakada Al-shabaab iyo Ciidamo katirsan kuwa Amisom ee gobalkaasi ka howlgala.

Dagaalkan ayaa waxa uu sigaar ah uga socda deegaanka haansheekh ee duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe, halkaasi oo dagaalyahano katirsan Al-shabaab ay weerar xoogan kusoo qaadeen Saldhig ciidamada Amisom ay ku lahayeen duleedka degmada Balcad ee Gobolka Sh/dhexe.

Dadka Deegaanka ayaa Sheegay in dagaalka uu yahay mid xoogan labada dhinacna ay is weedaarsanayaan hubka nuucyadiisa kala duwan, dagaalkana uu yahay mid xoogan oo aan lama xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi iminka ka soconaya duleedka degmada balcad ee gobalka Shabeellaha dhexe.

Dhanka kale wali wax war ah kama soo bixin Al-shabaab oo ku aadan dagaalkaan ka soconaya deegaanka hansheekh ee duleedka degmada balcad ee gobalka Shabeellaha dhexe.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here