Shabaab oo caawa baahisay xog aan laga ogeyn weerarkii maanta hadana sheegtay in dagalamayaashii weerarka…

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaara badan dhaliyay oo maanta ka dhacay goobo ammaankooda si aad ah loo adkeeyo oo dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Muqdisho.

Weerarka oo ahaa mid aad u xooggan ayaa ku bilaawday laba qarax Mantaana ah kadibna xoogag hubeysan ayaa xoog ku galay bara koontarool oo ciidamada DF-ka ay ku leeyihiin waddooyinka laga ilaaliyo madaxtooyada Villa Somalia.

War kasoo baxay Al Shabaab ayay ku sheegtay in 12 askari ay ku dishay weerarka islamarkaana ay iyagoo bad qaba dib usoo laabteen qaar kamid ah raggii weerarka fuliyay “12 katirsan ciidamada ayaa ku dhintay weerarkii maanta ka dhacay Madaxtooyada qaar kamid ah shabaabkii weerarka fuliyayna dib ayay usoo laabteen iyagoo bad qaba” ayaa lagu yiri war lagasii daayay idaacadda Andalus oo ah idaacad shabaab afkooda ku hadasho.

Saraakiisha dowladda Federaalka waxay sheegeen in weerarkii maanta lagu dilay 10 qof oo 7 kamid ah ay ahaayeen ciidamadii ilaalada ka hayay madaxtooyada balse ilo wareedyo kale ayaa sheegaya in khasaaruhu intaas ka badanyahay.

Wakaaladaha wararka oo soo xiganaya saraakiil katirsan Booliska DF-ka ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay isku dayayeen in ay gudaha ugaleen xarunta madaxtooyada si ay halkaas ugu dilaan madaxda dowladda.

Waddooyinka soo gala madaxtooyada Villa Somalia ayaa maanta isku bedelay goob dagaal waxaana la arkayay ciidamo wato gaadiidka dagaalka oo gaaf wareegaya kadib markii uu soo idlaaday weerarka.

Weerarkan wuxuu imaanayaa 8 maalmood kadib markii weerar askar iyo saraakiil lagu dilay uu isbuucii lasoo dhaafay ka dhacay xarunta Ota Ota oo ay ku shaqeeyaan wasaaradaha arrimaha gudaha iyo ammaanka waxaana dhammaan mas’uuliyadda weeraradan sheegatay xarakada Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here