Sh Shariif oo Fariin kale oo lama filaan ah soo dhigay Bartiisa Facebook – Go’aankii Khilaafka Carabta oo..

Dhamaan baraha Bulshadda waxaa saacadihii lasoo dhaafay qabsaday qoraal ka koobnaa 7 qodob oo lagu qoray Facebook uu ku qoran yahay magaca madaxweynihii dowladii KMG aheyd ee Sh Shariif Sh Axmed.

War kale oo maanta soo dhacay ayaa sheegaya in Madaxweynihii hore ee dowladda KMG,ka aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu beeniyay in uu ka hadlay xiisada u dhaxeysa Wadamada Khaliijka.

Warkan oo aan mar kale kasoo xiganay Page uu Facebook ku leeyahay Sh Shariif oo aan aheyn kii hore ayaa waxaa uu sheegay iney jiraan dad magaciisa ku sameystay baraha Bulshada isla markaana uusan arinta Carabta ka hadlin.

“Walaalaha Soomaaliyeed waxaan u caddeynayaa inaysan jirin meel aan kaga hadlay khilaafka ka jira Khaliijka, pages been abuur ah oo la sameeystay ayaa ku batay baraha bulshada oo aanan wax shaqa ah ku lahayn.

Bishii Kheyrka ayaan kujirnaa aan ka fogaano been abuurasho iyo wax kasta oo keeni kara in ramadaanka uu waxyeeleeyo.

“Pageka qoraalkan qorey waa been abuur ee halaga digtoonaado ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay.

 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay